Search This Blog

Thursday, February 4, 2010

Sheekh Xasan Turki oo qiray inuu ku biiray Xarrakatul Shabaabul Mujaahidin kuna baaqay in la mideeyo Islaamiyiinta kale

Guddoomiyaha Raaskambooni Sheekh Xasan C/llaahi Xirsi (Sheekh Xasan Turkey) ahaana guddoomiye ku xigeenkii Ururka Xisbul Islaam ayaa maanta qiray inuu ku biiray Xarrakatul Shabaab uuna joogay madashii heshiisku ka dhacay.

Sheekh Xasan Turkey wuxuu sheegay in go’aankiisu uu yahay mid lagu mideeyo Islaamka, gaar ahaan Mujaahidiinta, si ay ugu guuleystaan hadafkooda oo ah in laga dhiso Soomaaliya dowlad Islaami ah.


"Waxaan ku baaqaynaa in Muslimiinta ay Alle ku xirnaadaan, safka mujaahidiintana la mideeyo, waxaana ku baaqayaa in la mideeyo Muslimiinta oo dhan" ayuu yiri Sheekh Xasan Turkey.


Heshiis dhawaan ka dhacay Baydhabo ayay kooxda Raaskambooni oo hoggaamiye uu u yahay Sheekh Xasan Turkey iyo Xarrakatul Shabaab ay ku gaareen heshiis iskaashi oo ay ku mideynayaan ciidamadooda, iyagoo qaadanaya Magaca Xarrakatul Shabaab.


"Goobjoog ayaan ka ahaa heshiiskii ka dhacay Baydhabo, la iguma been abuuran, waana ku faraxsanahay" ayuu yiri Sheekh Xasan oo ugu baaqay dhammaan Soomaalida inay qabsadaan xarigga Alle si ay u guulaystaan.


Sheekh Max’ed Dulyadeyn oo ka mid ahaa saraakiishii ka socday Raaskambooni oo isaguna saxaafadda kula hadlay Baydhabo ayaa sheegay in heshiiskan uu yahay mid dhacay, ayna wadaan qorshayaal lagu fulin lahaa qodobbadii lagu heshiiyay.


Guddoomiyaha Ururka Xisbul Islaam Sheekh Xasan Daahir Aweys oo Muqdisho ku qabtay maalin ka hor ayaa ku tilmaamay heshiiskaas mid ay aad uga xun yihiin, ayna walaalaha Shabaabku uga baxeen ballan ay isku ogaayeen oo ahayd inaan la kala qaadan ciidamada.


Afhayeenka Xarrakatul Shabaab ayaa dhankiisa sheegay maanta inaysan jirin wax ballan ah oo ay uga baxeen sida uu u yiri Walaalahooda Xisbul Islaam, sidoo kalena aysan jirin wax dagaal ah oo kala dhexeeya.
 Xasan turki gacan saar  ayuu lahaa Xasan Daahir mudooyinkii ugu danbeeyay, waxayna kala dheeraadeen markii axmed Madoobe heshiis hoose la galay qolooyin kale.

 









Banaadir Post